Farmaajo Oo U Yeeray Gudoomiyihii Gedo Ee Xilka Laga Qaaday

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa in fariin (Barwo) ka timid Mr.Farmaajo la gaarsiyay Gudoomiye kuxigeenkii Xilka Maamulka Gobolka Gedo Ee dhowaan laga qaaday loogu baaqay inuu si deg deg ah ku soo galo Magaalada Mogadishu…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Mr.Cusmaan Nuur Xaaji (Macalimuu), oo wehliya kuxigeenkiisa ayaa shalay galab Diyaarad ka soo qaaday Magaalada Doolow, waxaana laga soo dejiyay Magaalada Mogadishu, iyadoo la dejiyay hoteel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Horjooge Macallimu uu wada hadal la yeelan doono Farmaajo iyo Fahad, kadib xil Agaasime Wasaaraha Dowladda midkood loo magacaabi doono si loogu mashquuliyo inuusan ku biirin kooxaha Mucaaradka ku ah Mr.Farmaajo.

87700cookie-checkFarmaajo Oo U Yeeray Gudoomiyihii Gedo Ee Xilka Laga Qaaday