Gacan ka Hadal Geystay Dhimasho & Dhaawacyo Kala Heer ah oo Xabsiga Waqooyiga Gaalkacyo ka Dhacay…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qalalaase xambaarsan Gacan ka hadal dhashay Kacdoon iyo Cabasho ay maalmo ka hor sameeyeen qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sababtay dhimashada 1 Dambiile iyo dhaawaca 7-kale..

Wararka ayaa sheegaya in Baaritaan uu fuliyay Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Aadanaha Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in maalmo ka hor (30 bishii April 2024) ex-xukumane Mahad Axmed Warsame uu u dhintay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray madaxa, 7 kale oo xukumanena ay hadda qabaan dhaawacyo qaadkood halis yihiin.

Warbixin uu soo saaray Xafiiskaai ayaa lagu Cambaareeyay  hab dhaqanka arxan darrada xambaarsan ee Xoogaga ilaalada Xabsiga u gaysteen Maxaabiista, iyagoo ka dalbaday Maamulka Puntland iney baaritaan degdeg ah ku sameyso dhacdadaan, lana horkeeno Sharciga ciddii gaysatay falkaan sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo.

324710cookie-checkGacan ka Hadal Geystay Dhimasho & Dhaawacyo Kala Heer ah oo Xabsiga Waqooyiga Gaalkacyo ka Dhacay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *