Canshuurta Adeega Talefoonada Gacanta oo Hoos u dhac ku Keenay Dakhliga Kenya…

Africa News

Warbixin laga diyaariyay Dakhliga gudaha kenya ayaa daaha ka rogeysa in Canshuuraha laga qaado Shirkadaha bixiya Adeega Talefoonada gacanta uu hoose u dhac dhan 20% ku yimid, kafib markii canshuuro xoogan oo isdaba joog ah la saaray, taasoo horseeday in hoos u dhac ku yimaado isticmaalka Mobelada gacanta..

Hoos u dhacaan ayaa laga dareemay Dakhliga gudaha ee canshuurta la soo uruuriyay Canshuurta Airtime-ka ee Sanadkii 2021-kii, waxeyna dhabat jab ku noqotay dhaqaalaha Dowlada Kenya oo adeegyada danabeysan ka soo xaroota dakhliga badan, laguna kabi hiray Miisaaniyada Sanadeedka Dalkaasi.

Warbixinta ayaa daaha ja rogtay in canshuuraha la saaro Shirkadaha biciya adeegyada Taleefoonada Gacanta ay si toos ah u saameysay awooda ibsiga Dadka Isticmasla Mobile-da, taasoo sababtay inuu hoos u dhac ku yimaado dakhliga Dowlada dhexe ka heli jirtay Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, iyadoo 26/% Dalalka Kenya, Tanzania iyo South Sudan ay noqdeen Wadamada ugu sareeya ee ka qaada Shirkadaha adeega Talefonada.

Halka Dalalka Zambia iyo Uganda ay saaraan canshuur dhan 25/% iyo 24/%, Warbixibta Siyaasada Canshuuraha er GSMA ayaa lagu sheegay in isku celcel agaan 21/% qiinaha adeega Taleefonada iyo Internet-ka, waxeyna sheegeen in saameyn togan ay ku yeelatay hoose u dhigtay Isticmaalka Mobile-da iyo adeegyada la xiriira.

286620cookie-checkCanshuurta Adeega Talefoonada Gacanta oo Hoos u dhac ku Keenay Dakhliga Kenya…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com