Yaa Fududeeya Weerarada Qorsheysan ee Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Iyadoo ay weli la maqlaayo dhawaqa rasaasta ee Hoteelka Villa Rose, ayaan waxaa meesha ka marneyn Fashil Hey’ada Sirdoonka iyo ku milinka Kooxaha argagixisada qaab dhismeedka NISA Boliiska Xoogga Dalka, taasoo horseeday in Muddo gaaban 3-Weerar oo qorsheysan ay fuliyaan kooxda Argagixisada…

Yaa Fududeeya Weerarada

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Saraakiisha Hey’adaha Amaanka ay ku hafteen “Wareereen” Maareynta iyo qaabka howlgalka kooxda argagixisadu u dejiso gaarida goob amaankeedu aad loo adkeeyay, iyadoo 5-Bar kontrol la maro si loo gaaro Hoteelka, tuhunka ayaa ku koobneyn Saraakiisha Amaanka balse waxaan ka marneyn kuwii horey xilal u soo qabtay.

Fashilka ayaa qeyb ah in Hoteel 100-talaabo u jira Xafiiska Madaxweynaha lagu weeraro 3-Wasiir, Wasiir kuxigeen, Agaasimayaal iyo Saraakiil sare oo Ciidamada ka tirsan kuwaasoo qaarkood degenaa Hoteelka, waxaana la soo werinayaa in meydad kor u dhaafaya 13- ay taalaan Wadada hor marta Hoteelka.

halka 7 ka mid ah xubnaha Golayaasha Dowladda ay dhaawacyo soo gaareen, wali xabad ayaa kasocota gudaha Hotelka, meelo kamid ah oo ay Mas’uuliyiin badan ku go’odoonsan yihiin, waxaana socda dadaal gaabis ah.

Iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Kooxda weerarka soo qaaday ay wateen Gaari (Land cruiser pickup) kuwa Ciidamada, ku darsoo Madaxweynaha ayaa loo la cararay goob amaan oo ka baxsan Madaxtooyada, Hoteelka ayaa Shir uga socday Mas’uuliyinta Beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo.

Isku soo wada duub waxaa jahwareer ka taagan yahay xiligaan Yaa Shabab ah yaanse aheyn, iyadoo fulinta howshaan ay u baahan tahay “Shaqo la wada qabto), weyna sii socon doonta meelo ka khatarsan ayeey gaari doontaa inta Madaxweynaha uu xulanaayo taageerayaashiisa si ay Kursiga ugu adeegaan.

227990cookie-checkYaa Fududeeya Weerarada Qorsheysan ee Kooxda Argagixisada Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com