Odayaasha Dhaqanka Oo Go’aano Ka Soo Saaray Xiisadii Boosaaso

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa heshiis ay Isimadu la gaareen dhinacyadii Khilaafka ka dhaxeeyay ee xiisadii Magaalada Boosaaso ka taagneyd waxeyna go’aamiyeen in ay dhaqan-gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Dyaano, looguna magacaabay Aamiin Cabdillaahi Xaaji Kheyr…

Isimadu waxay go’aamiyeen in Guryaha, Hubka iyo Gaadiidka PSF uu mulkiyadooda leeyahay Maxamuud Cismaan Cabdulaahi Diyaano, sidoo kale isimadu waxay go’aamiyeen in xuquuqdii ka maqnayd ciidanka PSF mudo 13 bilood ah iyo kharashka Ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore ee Ciidamada PSF Maxamuud Cismaan Cabdilaahi Diyaano ay bixiso dowladda Puntland.

154900cookie-checkOdayaasha Dhaqanka Oo Go’aano Ka Soo Saaray Xiisadii Boosaaso