Nuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca Somalia & Turkiga Dhawaan Kala Saxiixdeen…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka Qodobada heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud..

Nuxurka Qodobada Heshiiskaan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo in Dowlada Turkigu ka ansixiso dhankeeda ayaa dhinaca kale abuuray hadal heyn iyo xasaasiyad, gaar ahaan Dowladaha UK, UAE iyo kuwo kale kuwaasoo dhankooda doonayay in heshiiskaan aan la saxiixin, Heshiiskaan ayaa muddo sanado ah soo jiitamaaya, iyadoo Maamulkii Farmaajo ay ka hor istaageen Dowlada Mareykanka haatan oggolaatay.

Qodobada ugu Muhiimsan Heshiiska

➡️Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

➡️Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Somalia.

➡️Waxay fasaxday Hawgallada Cirka, Dhulka iyo Badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan Ciidamada Turkiga iyo Somalia iyo midaynta shuruucda badda ee labada Dal.

➡️Qeyb ka mid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco Madax-bannaanida Dhuleed, Cirka iyo Xeebaha ee Somalia ee, aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo Dalalka iyo kuwo hungureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhamaan noocyada falalka sharci-darrada ah sida burcad-badeedda, argagixisada, Kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

➡️Waxa lagu heshiiyay in horumarinta Warshadaha Dhismaha maraakiibta iyo Dhismaha Dekedaha guud ahaan xeebaha Somalia iyo Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo samaynta aagagga amniga Somalia.

➡️Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Somalia.

➡️Waxay caawisaa habaynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maaraynta kalluumaysiga iyo habaynta hagitaanka.

➡️Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabaynta Ciidamada Badda ee Somalia sida Maraakiibta Dagaalka iyo Doonyaha hubeysan ee dheeraya.

311000cookie-checkNuxurka Qodobada Heshiiska Iskaashiga Difaaca Somalia & Turkiga Dhawaan Kala Saxiixdeen…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com