Gaadiid Maalintii 2-aad ku Xayiran Duleedka Degmada Walanweyn & xiisad ka taagan

Somalia news

Waxaa Maalintii 2-aad xiran isku socodka Dadka iyo Gaadiidka ee wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyadoo la sheegay in Maleeshiyo Beeleed Hubeysanay diideen in Wadadaasi la isticmaalo…

Tallaabadaan ayaa waxaa la sheegay iney ka dambeeysay kadib markii Maleeshiyaad hubeysan ay Isbaaro dhigtay Tuulada Sharay ee duleedka degmada Walanweyn, iyagoo diiday in wadada la maro, Goobjoogayaal ayaa sheegay in tuulada ay ku xayiran yihiin Gaadiid farabadan oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo kuwa rakaab u  wada Muqdisho iyo Beydhabo iyo qaar kabaxay Degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa sheegay in sidoo kale Isbaaro horleh la soo dhigay dhanka Galbeed ee degmada Walanweyn, taasoo Gaadiidka lacag looga qaadayo, waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka degmada ay sheegeen in Isbaarooyinkaas ay yihiin kuwo sharci darro ah.

Xiisadaan ka taagan duleedka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf weli u dhaxeeyo guddoomiyaha degmada Walanweyn Cabdixakiin Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa arrimaha Bulshada Haashim Maxamed Xasan.

248440cookie-checkGaadiid Maalintii 2-aad ku Xayiran Duleedka Degmada Walanweyn & xiisad ka taagan