Dowlada Federaalka Oo Xayirtay 7-Millions US$ & Sababta Ka Dambeysa..

Somalia news

Qoraal ay soo saartay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in la xayiray Akoono cusub oo lacago badan loo marinayey kooxda Argagixisada Shababka iyo tiro Lambaro Taleefono io EVC ahaan loo isticmaali jiray, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in xayaarada Lacagahaan ay la socdaan 670 Taleefoon xisaabaadka Ganacsiga iyo xisaabaadkaas, 110 Akoon, waxay ka diiwaangashan yihiin Waqooyiga Dalka, hadii ay dhab noqoto Talabadaan waxey dhabar jab weyn ku noqon doontaa kooxda Argagixisada Shabaabka oo markii hore ka mid ahayd ururada argagixisada ee ugu qanisan Afrika.

Dowladda Federaalka ayaa wada olole ka dhan ah kooxaha argagixisada oo isugu jira dhaqaale iyo Maleeshiyaad, waxeyna taasi ay horseeday in kooxdaan iyo kuwa kale ay awoodoodu sii wiiqanto, inkastoo oo Howlgaladii la waday uu hakad ku yimid sababo aan la aqoon.

312680cookie-checkDowlada Federaalka Oo Xayirtay 7-Millions US$ & Sababta Ka Dambeysa..