Nabadoon Lagu Dilay Degaanka Laan-Qeylo oo ka tirsan Gobolka Galgudud..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa in Dabley Hubeysan ay ku dileen Nabaddoon Caan ka ahaa isla markaasna ka mid ahaa Xoolo dhaqatada Degaan hoos taga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudug, inkastoo ay Xoogaga Amaanka aysan ka hadlin Falkaani…

Wararka ayaa sheegaya in Alle ha u naxariistee Nabaddoonka oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Daahir Daa’uud ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Hoygiisa oo ku yaala Degaanka Laan-qeylo, iyadoo Dableyda Dilka geystay ay ka baxaseed goobta, waxaana la sheegay in Dilku uu salka ku hayo Aanooyin Qabiil.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Nabaddoonka la dilay uu kamid ahaa Xoolo Dhaqatada degaanka, Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga ayaa gaaray degaanka dilku ka dhacay, kuwaasoo wada bilaabay howlgalo baariseed oo ay ku baadi goobayaan Dableyda ka dambeeyay Dilka Marxuumka.

320720cookie-checkNabadoon Lagu Dilay Degaanka Laan-Qeylo oo ka tirsan Gobolka Galgudud..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *