Gadiidleyada Ka Xoogsada Wadada Balcad & Mogadishu Oo Ka Cabanaaya Lacago

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa cabasho iyo shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen Wadayaasha Gaadiidla ka dhex shaqeeya Magaalooyinka Muqdisho & Balcad, kadib markii Lacago ka badan Canshuuraha ay bixiyaan uu kusoo kordhiyay Maamulka Hir-Shabeelle….

Wararka laga helay Qaar kamid ah wadayaasha ayaa sheegay in 24-kii saac ay bixinayeen lacag Canshuur ah oo dhan $3 (Saddex doollar) balse haatan lagu soo rogay in marwaliba oo ay marayaan wadada in ay bixiyaan $2, “Gaadiidka Balcad iyo Muqdisho waxa ay taagan yihiin Kontoroolka kadib markii maamulka Hir-Shabeelle uu kusoo kordhiyay lacag ka badan tii ay horay u bixin jireen, Gaariga Noohada ah $3 (Saddex doollar) ayuu bixiyaa balse waxaa haatan lagu amray in socod waliba ay bixiyaan $2 (Labo doollar) oo aan boono laguu goyneen” ayuu yiri mid kamid ah Wadayaasha Gaadiidka oo magaciisa u qariyay sabab Amni.

Dhibaatada Gaadiidleyda heysta ayaa ah in Dowladda iyo Maamulka Hir-Shabelle ay labada isbaaro Lacago ku qaadaan halka Kooxda argagixisada Shababka ay iyaguna isbaaro qarsoon u taalo wadada kuwaasoo ku qaada baad, waana dhibaato in masaafo dhan 30-km lagu qaado 10-US$ oo lagu sheego Canshuur, iyadoo aan la damaanad qaadi karin Amniga Wadada, waana dhibaato weyn. Sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah Wadayaasha Gaadiidka.

128030cookie-checkGadiidleyada Ka Xoogsada Wadada Balcad & Mogadishu Oo Ka Cabanaaya Lacago