Maamulka Puntland Oo Lagu Eedeeyay iney Mas’uuliyiinta Xilalka Laga Qaado Magac dil u Geystaan

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaameysa in qeylo dhaan laga soo saaray Mas’uuliyinta Xilalka laga qaado ee degaanada Puntland lagu eedeeyo Musuqmaasuq iyo maamul xumo, hase ahaatee waxaa la dhihi karaa waa kuwo dambi la’aan ah sida uu qabo Nidaamyada Dowlada Federaalka ah iyo kan Puntland..

Warbixinta ayaa lagu dul istaagay in Mas’uuliyiintaan aan Dacwado lagu soo oogin ama la horgeynin Maxkamad, hase yeeshee waxey Dhibanayaal u yihiin Hogaanka Jilicsan ee Puntland oo ku tuhmay iney qeybo kale taageersan yihiin, waxaana la mid ah:-

Gudoomiyihii hore ee Degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), Guddoomiyihii hore ee Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Guddoomiyihii hore ee Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) iyo Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri).

Nidaamka loo maray xilka qaadistooda:-

December 26, 2020: Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa qoraal uu soo saaray shaqada kaga joojiyay duqii Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn), waxaana Hanti-dhawrka Guud ee Puntland uu baaritaan ka bilaabay degmadaasi.

January 12, 2021: Madaxweyne Deni ayaa xeer Madaxweyne ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo, wuxuuna cuskaday warbixin uu Hanti-dhawrku ka soo saaray degmadaas, sidoo kale August 24, 2021: Hanti-dhawrka Guud ee Puntland, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu shaqada ka joojiyayAgaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri). Hanti-dhawrka wuxuu warqaddiisa ku sheegay inuu baaris ku wado Wasaaradda Waxbarashada Puntland, islamarkaana natiijada hordhaca ah ay muujinayso in ay jirto lunsasho hanti dadweyne.

March 30, 2022: Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday Agaasime Farmayeeri, wuxuuna ku baddelay Maxamed Cali Nuur (Jubba).

214800cookie-checkMaamulka Puntland Oo Lagu Eedeeyay iney Mas’uuliyiinta Xilalka Laga Qaado Magac dil u Geystaan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com