Ma Dhabaa in Xoogaga Amaanka Puntland ay Qabteen Ajaaniib Daacad u ah Daacishta Somalia..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Laamaha Amaanka ay gacanta ku dhigeen in ka badan 20-Xubnood oo Ajaaniib ah kana tirsan Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia, iyadoo kooxdaan lagu qabtay Buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari…

Wararka ayaa sheegay in Kooxdaan ajaaniibta ah ay ka soo kala jeedaan Dalalka Ethiopia, Marocco, Sudan, Yemen iyo Dalal kale, iyadoo Hey’adaha Sirdoonada Saaxiibada Somalia ay in muddo ah digniino iyo Warbixino ka siinaayeen Hey’adaha Amaanka Federaalka iyo kuwa Maamulka Puntland kororka iyo dhaqdhaqaaqa socotada ew Ajaaniibta Muhaajiriinta ah ee jihaadka u imaanaya Somalia.

Kooxaha Argagixisada ee Shababka iyo Daacishta ayaa siyaabo kala duwan uga waxey uga howlgalaan degaanada Buuraleyda ee Gobolka Bari, iyagoo Baad joogto ah ka qaada Ganacsatada iyo Gadisleyda magaalada Bosaso, waxeyna ka fuliyaan weeraro kala duwan oo ay ku beegsadaan Meheradaha Ganacsiga ee baada bixin waaya iyo xarumaha Hey’adaha Amaanka.

294040cookie-checkMa Dhabaa in Xoogaga Amaanka Puntland ay Qabteen Ajaaniib Daacad u ah Daacishta Somalia..