Tuhunada Ku Gedaaman Qorshayaasha lagu Debcinaayo Dagaalka lagula jiro Argagixisada Shababka..

Somalia news

Xog Sirdoon ayaa daah qaadeysa iney jiraan tuhuno ku gadaaman qorshayaal lagu fududeeyo (debciyo) weeraro argagixisada Shabaabka ku qaadaan Farsiisimada iyo Saldhigyo ay leehaayeen Ciidamada Dowlada ee agaga Dagaalka, sida xeryihii ciidamada ee Laas-Gacamey, Galcad, Ceel la Helay, Cawsweyne, Masagawaa kuwaasoo ka dhashay khasaare laga baaqsan karay…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xubno ja tirsan Laamaha Amaanka Dowlada iyo kuwa Dowlad Goboleedyada lagu eedeeyay iney xagal daacin ku hayaan Dagaalka looga soo horjeedo kooxda argagixisada kuwaasoo qaarkood la sheegay iney Ciidamada siiyeen Baasukesayaal Dheemish ah ayna fududeeyeen weerarrada dhacay khasaarahana ka dhashay.

Warbixinta ayaa xoojineysa in hadal dhawaan uu ka sheegay magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug (Qoorqoor), kaasoo uu ku xusay inuu jiray (Security Breach -Collapse-) cadow gudaha ah uu ku lug lahaa fududeeyay weerarka lagu khaarajin lahaa isaga iyo Senatorka iyo Xildhibaanka ee Laas Gacameey.

Madaxweynaha ayaa waxaa u buuxsantay 53-maalmood, waxaana safarkiisa degaanada Galmudug lagu micneeyey inuu daatan yahay inuu Hoggaaminayo dagaalka lagula jiro kooxda Argagixisada Shababka ilaa haddana ma muuqdaan rajo laga qabo in laga suuliyo kooxda Degaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

279750cookie-checkTuhunada Ku Gedaaman Qorshayaasha lagu Debcinaayo Dagaalka lagula jiro Argagixisada Shababka..