Mo Farah oo Daaha ka Rogay in Boqortooyada UK loo Tahriibyey Isagoo ilma yar ah

Somalia news

Orodyahanka Mo Farah ayaa sheegay in Dalka Ingiriiska lagu geeyay qaab sharci darro ah isagoo canug yar ah, waxaana lagu qasbay inuu guri shaqaalo ka noqdo,Sida uu shaaciyey.  

Xidigaan heysatana dhowr biladood oo Olympickada iyo Horyaalada Orodka ayaa BBC da u sheegay in magaca Mohamed Farah oo ay u bixiyeen dadkii kasoo kaxeeyey dalkaasi Djibouti.

Wuxuu intaasi raaciyay in Magaciisa dhabta ahna uu yahay Hussein Abdi Kahin, Waxaa Somalia kasoo kaxeeyey isagoo 9 jir ah haweenay uusan waligii la kulmin, kadibna waxaa ay haweenaydaasi shaqaalo uga dhigtay caruur kale sida uu sheegayo Mo Farah.

Fiiri lifaaqa:

https://www.bbc.com/somali/articles/ckk372xz02no

200190cookie-checkMo Farah oo Daaha ka Rogay in Boqortooyada UK loo Tahriibyey Isagoo ilma yar ah