Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qayb ka mida Isbitaalka ee Cadaado laga hirgeliyay goob lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka COVID-19, kadib markii Ganacsto ay ku deeqeen…
Qaybtan ayaa waxaa Jimcihii lagu qalabeeyay sariiro iyo qalabka deg-degga ah ee lagu xiro dadka bilaa naqaska noqda, ee aan sida caadiga ahi u neefsan karin, iyadoo ilaa 4-Mashiin Oo kuwa lagu neefsado iyo Daawooyin ay ku deeqeen Ganacsato degaanka ka soo jeeda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Cadaado, Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Qaarey ayaa qaba inay tani wax ka tari doonto xakameynta xanuunsidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.
Sidoo kale Cadaado waxaa ku sugan koox dhakhaatiir ah oo Arbacadii ay Dowladda Federaalka u dirtay, si ay dheecaano uga soo qaadaan dadka isaga shakiya xanuunka, deetana loogu baaro Xarunta Shaybaarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho.