Ma Dhabaa in Burcad Badeed Puntland ay Afduubteen Markabka MV Abdallah ee Dhuxusha Siday..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Markabka Mv Abdallah Dhuxusha siday lagana leeyahay Dalka Bangaaladesh ayaa lagu afduubtay Xeebaha Gobolka Mudug dhanka Puntland ayna saaran yihiin 23-Badmaax, kuwaasoo la sheegay in la geeyay xeebaha u dhaxeeya Degaanka Jariibaan iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal…

Xogtaan ayaa Warsida Diinah.com news u xaqiijisay in Markabkaan oo ka yimid Dalka Mozambique kuna sii jeeda magaalada Dubai, ayaa waxaa afduubtay Dabley tiradoodu lagu qiyaasay 20-Burcad badeed waxaana Horgale u ah Cabdi Maxamed Faandhe oo la dhashay Madaxa Saldhigga Boliiska Puntland ee Garacad Sugulle Faandhe.

Dad Degaanka ayaa Farta ku goday in Masmulka Puntland oo mudooyinkii ugu dambeeyay wajahaayay dhaqaale xumi baahsan, iyadoo Xoogagii PMPF ee u xilsaarnaa Howshaan loo tababaray uu Saciid Deni u adeegsaday arrimaha Siyaasada gudah inkastoo haatan ay soo idlaadeen balse Kooxda Aaran jaan ayaa la sheegay inuu weli cabsi ka qabo iney dib isku soo abaabulaan.

314650cookie-checkMa Dhabaa in Burcad Badeed Puntland ay Afduubteen Markabka MV Abdallah ee Dhuxusha Siday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com