Sarkaal Amisom ah Oo Shaqada Looga Eryay Comment uu Bixiyay

Somalia news

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxa Amisom Mr.Francesco Madeira ayaa la sheegay inuu shaqada ka eryay Dr.Walters Samah oo madax ka ah qeybta xog uruurinta (data collection and analysis) ee AMISOM….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Dr.Walter Samah uu shaqadiisa ku waayey comments shan eray ah oo uu ka dhiibtay wareysi uu Matt Bryden siiyey taleefishinka France24.

Waraysiga ayaa la xariiray weerarkii ay Al-Shabaab ka geysteen EX-Koontarool Afgooye 28/12/2019-kii ayna ku dileen in ka badan 80 ruux.

Waraysiga oo la soo geliyey bogga taleefashinka ku leeyahay LinkedIn ayuu Sarkaalkan comment 5 eray ah saaray, wuxuuna yiri; “waa sax, waa waraysi mug leh”.

Muddo kadib ayaa Ambasador Madeira, wuxuu ugu yeeray xaafiiskiisa, Wuxuuna u sheegay in Madaxtooyada Somalia ay dacwo ka tahay comments uu waraysiga ka bixiyey, waxayna sheegtay inuu taageeray wareysi dowladda looga soo horjeedo.

Waxaan ku iri waraysigaas waxba dawlada loogama sheegin. Taxliil macquul ah ayuuna ahaa waadna dhagaysan kartaa. Waxaanse waydiiyey buu yiri Dr. Walters qoraalkii la igu soo dacweeyey iyo cidda i soo dacwaysay. MadeI ra oo Laptop-kiisa wax ka aqrinaya ayaa ii dhaafin waayey waa lagu soo dacweeyey, Mar dambe ayuu ii sheegay in uu i soo dacweeyey La Taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya.

38140cookie-checkSarkaal Amisom ah Oo Shaqada Looga Eryay Comment uu Bixiyay