Share the post "Ganacsato & Nabadoono lagu Afduubtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Ganacsato iyo Nabadoono ka soo jeeda Degaanada Konfur galbeed Somalia ayaa in ka badan 20-Maalmood afuub ahaan sifo sharciga ka baxsan loogu heystaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay soo baxday sheegasho la xiriirta aano qabiil…
Wararka ayaa sheegaya in tiro Xildhibaano iyo Waxgarad ka soo jeeda Degaanada Konfur galbeed ayaa si adag uga hadlay dhacdadaan iyagoo ugu baaqay Maamulka Puntland in si degdeg ah loo sii daayo Dhibsnayaasha xoriyada laga qaaday, kuwaasoo aan wax lug ah ku lahayn dil la sheegay inuu ka dhacay Konfurta Somalia, Xuuraano ayaa xaqiijinaaya in Sawirro laga soo qaaday Dhibanayaashaan oo xiran ayaa muujinaya iyagoo katiinadeysan, taasoo dhalisay carro iyo hadal heyn baahsan oo ka dhex dhalatay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Dhibanayaasha ka soo jeeda Konfur Galbeed.
Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in xariga uu yimid kadib markii Qof ka soo jeeda Waqooyiga Gobolka Mudug lagu dilay degaan ka tirsan Konfurta Dalka, taasoo dhalisay fal-celis la xiriirta aano qabiil, Si kastaba ha ahaatee, dadka la xiray laguma eedeyn falkaasi, mana jirto caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in ay wax lug ah ku leeyihiin.
Maamulka Puntland wali kama uusan hadlin arrintan, balse waxaa jira cadaadis isa soo taraya oo ku saabsan in dadkaasi xorriyadooda dib loogu soo celiyo, iyadoo la tixgelinayo sharciga, caddaaladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.