Warbxin la Xiriirta Dagaalkii Degaanka Dooxada Oodagooye ee Khasaaraha Geystay..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal labada dhinac gaarsiyay Khasaare dhimasho iyo dhaawacyo ayaa ilaa shalay ka socday Duleedka Degmada Laas caanood, dirirtaan oo la isku adeegasaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa In ka badan 8 saacadood oo xiriir ah ka socday jihooyin kale duwan oo ah..

Wararka ayaa sheegay in Dagaalkaan uu ka socday 24-kii saac u dambeeyay Bariga magaalada iyo Oodagooye oo ku dhow Agagaarka Maraaga oo masaafo ka durugsan Laas caanood, iyadoo Istraatejiyad ahaan Togga Maraaga, kooxdii si buuxda u maamusha oo u xaqiijisa gacan ku heynta Togaasi ayaa waxay awood u yeelanaysaa dhanka Goojacade iney u dhaqaaqdo, waa difaac kamid ah kuwa ugu adag ee ay Xoogaga SL ka difaacaysa saldhigeeda ugu weyn ee hadda kaga yaalay Gobalka Sool.

Muqaalo khalkhal galinaya ayaa la wareejinayaa baraha bulshada kuwaasoo muujinayay gaadiid dagaal oo gubtay iyo tiro meydad, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xoogaga Maamulka Somaliland.

Dooxda Oodagooye, hadda waxaa soo baxaya warar aan si rasmi u hubin oo sheegaya in Xoogaga Degaanka ay ka gudbeen, haddii ay taasi dhab tahay waxa laga ogaan doonaa dhaqdhaqaaqa Somaliland, Ku darsoo haddii ay Xoogaga Degaanku qabsadaan kontoroolka Maaraga, oo ay xaqiijiyaan halka ay ka xiran tahay wadada xiriirisa Garoowe iyo Laascaanood ayaa isku furmaysa 7 bilood oo ay aagaas ka xiran tahay.

Galbeedka iyo Agagaarka Tuula Samakaab, majiraan dhaqdhaqaaq dagaal rasmi ah oo laga diwaangaliyey, iyadoo agagaarka Dhuyuc Xuunsho hubka culus ayaa laysku weydaasaday khaasarena ka dhashay.

266950cookie-checkWarbxin la Xiriirta Dagaalkii Degaanka Dooxada Oodagooye ee Khasaaraha Geystay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com