Yaa Lagu Xisaabiya Dhibaatada & Dayaca Xujeyda Soomaaliyeed Ee Sanadkaan Soo Xajisay

Somalia news

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan u oggolaatay Somalia iney ka soo Xajiyaan dad gaaraya  5,206 (shan kun laba boqol iyo lix Xaaji), waxaana Dowladda Federaalka tiradaasi u kala qeybisay maamul goboleedyada dalka ka jira, maamulka Somaliland ayaana sheegay in sanadkaan aan laga xaji doonin degaannada uu ka arrimiyo…

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, ayaa u jaan-goysay in Muwaadin kasta oo sanadkaan xajinaaya ay ku baxayso lacag gaareysa $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), Wasiirka Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble, ayaana sheegay in xujeydu heli doonaan adeegyo dhameystiran, yeelkeede taasi ma dhicin.

Hadaba Maxaa Dhacay:-

Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Abuukar (Soomow), oo ka mid ahaa xujeydii Soomaaliyeed ee sanadkaan gudatay Acmaasha Xajka ayaa sheegay in xujeydu dhibaatooyin ba’an la kulmeen, Wuxuuna si toos ah u eedeeyay Hogaanka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somalia.

Sheekh Soomow, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay sida ay Wasaaradda iyo Shirkadaha Duullimaadyadu ula dhaqmeed Xujeyda, gaar ahaan qeybta loo yaqaan martida Alle (Duyuufu Al-raxmaan) kuwaasoo uu sheegay in aan Sahaydii loo baahnaa loo diyaarin, maalmihii 8-aad iyo 9-aad, talaabadaasi oo sababtay in qaarkood ku xanuunsadaan halka Xujey kale ay ku geeriyoodaan banka Carafo.

201030cookie-checkYaa Lagu Xisaabiya Dhibaatada & Dayaca Xujeyda Soomaaliyeed Ee Sanadkaan Soo Xajisay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com