Sirdoonka Ajaaniibta Iyo Saameynta Doorashada

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in Sirdoonada Dalalka Qatar iyo Eritrea Ee Doorashada Somalia ayaa la sheegay iney saameyn iyo daro gelin xoogan ku hayaan, waxaana lagu Eedeeyay iney la safteen Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.con news u xaqiijisay in dhaq-dhaqaaq la xiriira Saraakiisha Sirdoonada Dalalka Qatar iyo Eritrea ay kordhiyeen maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in dalalkaan ay Dalka u soo direen tiro badan oo Saraakiil iyo Ciidamo kuwaasoo la doonaayo in lagu cabsi geliyo Hogaamiyayaasha xisbiyada Mucaaradka iyo dad shacab ah.

Wararka Ayaa sheegay in Saraakiishaan ay si toos ah uga howlgalaan Talisyada NISA iyo Kuwa Boliiska Gobolka Benadir, waxeyna bar-control ka dhisteen Madaxtooyada, kooxahaan ka socota Sirdoonka dalalkaasi ayaa diyaarinayay dhamaan goobaha la dejin doono ciidamada sida gaarka ah loogu soo tababaray Villa Somalia ee la filayo in dhawaan la geeyo magaalooyinka Muqdishu, Baraawe, Jowhar, Dhusamareeb. Waxa horay u joogay Gobolka Gedo saraakiiil ka socota dalka Eritrea, kuwaasoo Tababaro siiya Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan.

Saraakiishaan xiligaan ku sugan Magaalada Muqdishu waxa si gaar ah loogu xilsaaray in ay la shaqeeyaan labo nin oo Soomaali ah oo ka soo jeeda beelaha Shiikhaal iyo Murusade kuwaasoo qoys ahaan xiriir wada-dhalasho la leh qoysas ka soo jeeda Eritrea, Waxaa Ayaan darro ah in Shacbiga Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn qorshaha gurcan ee Farmaajo iyo Khatarta ku soo wajahan guud ahaan dalka Somalia.

72300cookie-checkSirdoonka Ajaaniibta Iyo Saameynta Doorashada