Garabyada Kooxaha Mucaaradka Oo Shuruudo ku xiray Shirka 15-ka Juun..

Domestic News Politics Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan fogaan-arag ah oo ay isugu yimaadeen Garabyada la magac baxay Madasha Samatabixinta Somalia, kuwaasoo kaga arrinsanayay go’aankooda ku aadan ka qayb galka shirka 15-22-ka Juun ee uu iclaamiyay Hogaanka fashilka ah ee Villa Somalia..

Bayaan ay soo saareen ayeey ku xuseen in geedi-socodka siyaasadeed hanaanka loo maray uu hareer marsan yahay wada tasho dhab ah oo loo dhan yahay, iyagoo di adag u naqdiyay waxa ay ugu yeereen “ dadaalo lagu baadi goobaayo in la helo taageerayaal jidbeysan, iyadoo la hareer maraayo hanaan wada tashi oo sal balaaran daah furnaana ku dhisan ayna qeyb ka yihiin maamulada Gobolada gaar ahaan kan ka taliya qeybo ka mid ah gobolka Jubada hoose.

Madaxtooyada ayaa si wayn u riixaysa qabashada shir uusan qayb ka ahayn Axmed Madoobe oo ay u aqoonsan tahay Eedaysane, Xogo kale waxay tilmaamayaan in Villa Somalia ay ku qancisay laba xubnood oo kamid ah Madasha Samatabixinta inay shirka kasoo qeybgalaan, Hase yeeshee, xiriir aan la sameynay labadaas Mas’uul nooma suurtagalin inaan ka helno war sugan.

Khubarada arrimaha Siyaasada ayaa saadaalinaaya in Diidmada Garabyada Mucaaridka ee shirka ayaa hoos u dhigaysa filashadii laga qabay in la xaliyo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka uu geliyay Hogaanka Villa Somalia, ku darsoo Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegay inaysan u baaqanayn gogoshu dhinacyada diidan ee  mucaaridka iyo Axmed Madoobe.

376050cookie-checkGarabyada Kooxaha Mucaaradka Oo Shuruudo ku xiray Shirka 15-ka Juun..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *