Ma Dhabaa In Shirkadaha Isgaarsiinta lagu Amray Iney Demiyaan Khadadka Talefonada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo oo adeegsanaaya Adeege Fahad Yasin ay ku amreen Shirkadaha Isgaarsiinta Ee Magaalada Mogadishu iney Demiyaan dhamaan khadadka Takefoonada iney ay socdaan Howlgalada Ciidamada…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Villa Somalia iyo NISA ( Farmaajo, Fahad iyo Jiis-Mareexaan), ay xalay u yeereen Mas’uuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta ka howlgala Magaalada Mogadishu, iyagoo ku wargeliyay iney dhamaan demiyaan Khadadka Taleefonada Magaalada Mogadishu iyo hareeraheeda, inta uu socdo Howlgalada lagu beegsanaayo Saadiq John iyo Ciidamada Daacada u ah kaasoo xalay ku soo dhamaaday fashil.

Ilo Wareedkaan ayaa u xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta Shirkadda Hormuud ay ku gacan seyreen iney demiyaan Servers-ka Taleefonada Mobile-ka iyo kan Landlines 📞, waxeyna ku Sababeeyeen ineysan la iimanin Saraakiisha Amaanka sababo macquul ah oo Hawada looga saaro Isgaarsiinta Magaalada Mogadishu.

111090cookie-checkMa Dhabaa In Shirkadaha Isgaarsiinta lagu Amray Iney Demiyaan Khadadka Talefonada