Dagaalka & Go’aanada Odaaysha Laas caano iyo Dastuurka Qabyada ah Ee Dalka

Somalia news

Tan iyo intii laga howl bilaabay qabyo tirika Daatuurka KMG ah ee Dalka 10-sano ka hor, waxaa xujo (halxiraale) ku noqday Dadkii ka howlgalaayay sida ay ku suurtogal ku noqon karto in Afti Dadweyne oo Dastuurka ah oo ay ka qeyb galaan Shacbiga Gobolada Waqooyiga Somalia..

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa ku doodi jiray in Afti dadweyne in loo qaado Dastuurka uusan sharciba aheyn hadiiba ay qeybo ka mid ahi Gobolada Waqooyiga aysan ka dhicin aftidaasi, hadda waxaa muuqata ifafaale muujinaaya in xujadaasi hal loo heli karo kadib shirkii Odayaasha Dhaqanka ee Gobolja Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Go’aanada ka soo baxay Shirkii Laas caanood oo lagu diiday “Mashruuca gooni-isutaaga” daah fur wada hadal ayaa shuruud looga dhigey bixitaanka Maamulka Hargeysa, iyadoo Diwladda Federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka loogu baaqay iney baaris ku sameeyaan Gabood falalda loo geysanaayo Shacbiga Magaalada Laas caanood oo Duqeyn aan loo meel dayin ku haya magaalada, sidoo Dowladda Federaalka ayaa loogu yeeray iney “si gooni ah ula macaamisho Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle.

Wasiirka 1-aad ee Diwladda Federaalka ayaa bishii tagtay sheegay in Qorshayaasha Dowladiisa ee Sanadkaan u degsan ay ka mid yihiin qabto tirka Dastuurka lana soo saaro Dastuur dhameystiran, iyadoo aan la ogeyn in Dowladdu ay Afti gelin doonto (Dastuurka) iyo iney ku xalin doonto qaab ergooyin ah oo Shirweyne Wakiilada Gobolada lagu ansixiyo ama Nidaam Barlamaan la mariyo, iyadoo hadda howshani ay ku socoto dardar sidii loo qabyo tiri lahaa intuusan dhamaan Sanadkaan 2023-ka.

241340cookie-checkDagaalka & Go’aanada Odaaysha Laas caano iyo Dastuurka Qabyada ah Ee Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com