GAROONKA KUBADDA CAGTA MIRE AWAARE OO KHILAAF U XIRMAY

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada iyo kuwa Garoonka Kubada Cagta ee magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in Garoonka albaabada loo laabay…

Wararka ayaa sheegay in khilaafkaani uu u dhaxeeyo Duqa degmada Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre iyo Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Puntland, Maxamed Ciiro waxeyna isku haysta maamulka garoonka ciyaaraha Mire Awaare stadium, sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay.

Khilaafka labada mas’uul ayaa halkii u sarraysay gaaray, waxaana ka dhashay inuu gebi ahaanba xirmo garoonka Mire Awaare, taas oo saamayn ku yeelatay bahda ciyaaraha, gaar ahaanna dhalinyarada xiiseeya kubadda cagta.

239580cookie-checkGAROONKA KUBADDA CAGTA MIRE AWAARE OO KHILAAF U XIRMAY
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com