Golaha Amaanka Ee UN-ka oo Ansixiyay Howlgalka cusub ee Ciidamada AUSSOM ee Somalia..

Security Somalia news

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qorshe lagu abuurayo ciidamo cusub oo ka socda Midowga Afrika (AUSSOM), kuwaasoo la filayo in ay hawlgallada ka dhan ah kooxaha Argagixsada Shabaabka iyo Daacishta isla markaasna bilaabaan 1-da bisha January Sanadka 2025-ka..

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Ciidamada Ethiopia aysan ka mid noqon doonin Howlgalka Ciidamada Nabad ilaalinta cusub, Ciidamadan ayaa lagu beddelayaa Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Somalia (ATMIS), oo waajibaadkiisu ku egyahay 31-ka Diseembar.

Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Dalka Uganda tirada loo oggolaaday ayaa dhan 7,175 Askari, waxeyna buuxin doonaan Degaanada ay ka baxaayaan Ciidamada Ethiopia (ENDF), heshiis ay la gaareen Dowlada Federaalka (Bilateral Agreement), Halka Ciidamada Kenya oo loo oggolaaday iney sii joogaan Sector-2 ee Jubada hoose ayaa loo oggolaaday 2000- Askari iney ku sii negaadaan Gobolkaasi.

Ciidamada Djibouti oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa loo oggolaaday 1800 Askari iney ka howlgalaan Gobolka Hiiraan, Halka Ciidamada Burundi loo oggolaaday 1,041 Askari waxeyna sii joogi doonaan Gobolka Shabeelada Dhexe, Hogaanka Burundi ayaa dood ka keenay Tirada loo qoondeeyay waxey sheegeen iney ka fiirsan doonaan Tiradaasi oo helis ku ah Amaanka Ciidamadooda waxey dalbadeen in 2000 la gaarsiiyo.

Ciidamada cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona ilaa 12,626 askari oo kala ah ciidamada milatariga iyo 1,040 booliis ah, Xubnaha Midowga Afrika ayaa loo fasaxay inay ciidamadaan sii joogteeyaan illaa 30-ka Juun 2025, iyadoo muddadaas lagu dhammeystirayo beddelidda dhammaan ciidamada ATMIS oo loo wareejinayo AUSSOM.

Walaaca Maalgelinta
Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale oggolaanaya suurtogalnimada in 75% kharashka hawlgalkan cusub ay maalgeliso Qaramada Midoobay, iyadoo la adeegsanayo nidaam la sameeyay sanadkii hore inta soo hartana waxaa maalgelinaaya AU-da

354800cookie-checkGolaha Amaanka Ee UN-ka oo Ansixiyay Howlgalka cusub ee Ciidamada AUSSOM ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *