Maxaa Ka Jira In Diyaarad Rakaab Sida Ay ku Xadgudubtay Hawada Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinayaa in Diyaarad kuwa rabaabka ah oo laga leeyahay Dalka Israel ay si joogto ah u dul marto Hawada Somalia, iyadoo la sheegay in Maamulka Hawada Ee Somalia uu ka gaabiyay inuu wax ka qabto dhacdadaan…

Saraakaal ka tirsan Hay’adda Duulists Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa Wuxuu sheegay in Hey’addu ay mas’uul ka tahay badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo ka duulaysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba ( SOMCARS).

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com in Diyaarad laga leeyahay Dalka Israel oo sumadeedu tahay (Ly88) nooceeduna tahay Boeing 787-9 dreamliner, kana timid Phuket Thailand, Diyaarada ayaa ku duuleysay joog dhan 36000 Oo cagood (Foots), waxeyna si sharci darro ah hawada dalka uga soo gashay degaanada Puntland, waxaana Hey’adda HDRS ineysan awood u laheyn iney xakameyso Xadgudubyada Diyaaradaha Israel Ee kuwa Rayidka isla markaasna aan laga qaadin Khidmada Hawada.

195851cookie-checkMaxaa Ka Jira In Diyaarad Rakaab Sida Ay ku Xadgudubtay Hawada Somalia