Hoobiyayaashii Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha iyo Howlgalkii Hey’adaha Amaanka…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Hoobiyayaal oo abaarihii 11,30 AM oo Dabley ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka ay Guri ju yaal Degaanka Garasbaaley ka soo tuureen kuwaasoo lagu duqeeyay Degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka Garoonka Diyaaradaha & Xarunta Xalane ee Magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegay in Duqeyntaan kadib ay Ciidamo isugu jira B/Dableyda, Boliis iyo NISA ay baaris ka fuliyeen guryaha ku yaal Waaxda 2-aad ee Foorilow degaanka Garasbaaley, waxeyna guri ku yaal ka soo heleen hoobiyihii, tiro Xabbado ah iyo Mobile-kii laga hagaayay, iyadoo Dableydii ka baxsadeen goobta, Saraakiisha ayaan war ka soo saarin Milkiilaha Guriga, inkastoo ay la wareegeen dhismaha.

Kooxda Argagixisada Shababka ayaa sheegatay Howlgalka Hooboyayaasha, waxeyna intaasi raaciyeen iney weerareen Garoonka Diyaaradaha tiro hoobiye ahna gudaha ku dhaceen, Xarunta Xalane iyo Dhismayaasha Safaaradaha, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in muddo gaaban la hakiyay Howlaha Garoonka.

Khabiirada Amaanka ayaa farta ku goday Sababta looga faa’iideysan la’yahay Counter-battery Radarka ah oo tilmaamaya halka laga soo rido Hoobiyaha, iyadoo Saraakiisha Sirdoonada Reer Galbeedka ay og yihiin in gurigaasi laga soo tuuray, balse muddo Saacado ah ku qaadatay Hey’adaha Amaanka iney gaaraan Gurigaasi, waana ayaan/Aqoon darro muddo sanado ah heysata Hogaanada Hey’adaha Amaanka oo lagu soo xulo Qaab ah Kaadiriin Daacad u yihiin Hogaanka Villa Somalia.

262580cookie-checkHoobiyayaashii Lagu Weeraray Garoonka Diyaaradaha iyo Howlgalkii Hey’adaha Amaanka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com