Golaha Amaanka Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Ciidamada Amisom

Somalia news

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee Somalia AMISOM ay muddo saddex bilood ah dalka ku sii joogayaan, illaa 31-ka Maarso, 2022-ka, kadib markii ay Codsi u direen Golaha Amaanka ee AU-da..

Qaraarka tirsigiisu yahay 2614 oo ay si wada jir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha Amanda ayaa u ogolaanaya howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) iney qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, iyagoo si buuxda u ixtiraamaya madax-bannaanida, dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Somalia. si uu u guto waajibaadkii loo igmaday.

“Iyada oo xaaladda Somalia ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo Amaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanku kadib shirkii Talaada maanta.

Dhawaan dowladda Somalia iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo dowladda Somalia ku gacan-seyrtay.

157290cookie-checkGolaha Amaanka Oo Muddo Kordhin U Sameeyay Ciidamada Amisom