Wasiir Eedeyn U Jeediyay Ciidamada Boliiska

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya cabasho xoogan oo laga keenay Ciidamada ilaalada ka ah baraha Magaalada Mogadishu, kuwaasoo lagu eedeeyay iney dhaqaale baad ah ka qaadaan Gaadiidka wadada maraaya, iyadoo eedahaan si toos ah ugu lug leeyihiin Talisyada Boliiska & kan Gobolka…

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada Cumar Cali Rooble ayaa ku eedeeyay Ciidamada Dowladda inay isgoysyada magaalada Muqdisho ay lacago baad ah ka qaataan gaadiidka, isagoo ka hadlaaya Kulan looga Amaanka Magaalada Mogadishu.

“Baraha hubinta Ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba Mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Isgoysyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo loogu talogalay inay amniga sugaan oo ay baaraan gaadiidka hase yeeshee waxaa ay ciidamadan ku qasbaan dadka wata baabuurta iyo mootooyinka inay bixiyaan lacago aan sharci ahayn.

155540cookie-checkWasiir Eedeyn U Jeediyay Ciidamada Boliiska