Golaha Amaanka oo Qaraar cusub ka soo Saaray Ganacsiga Dhuxusha Somalia..

Somalia news World

Wararka naga soo gaaraya xarunta QM ee magaalada New york ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar cusub oo ka hadlaya dhoofinta dhuxusha iyo soo dejinteeda, oo ay hore Qaramada Midoobay ugu soo rogtay cunaqabatayno kala duwan…

Qaraarkan cusub ayaa lagu sheegay, “in iyadoo la ogsoon yahay in xaaladda Dalka Somalia ay weli khatar ku tahay Amaanka iyo Nabada Caalamka, in haddana Golaha Amaanku uu si wadajir ah u ansixiyey qaraar qabyo ah oo ka hadlaya, in hal mar la hakiyo, cunaqabataynadii hore ee saarnayd si meesha looga saaro dhuxusha kaydsan”.

Qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2696 (2023) ayaa 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay taageereen in Dowladda Federaalka ay qaado tallaabo ay si dhamaystiran meesha uga saaraysa dhuxusha kaydka ah ee dhoofka loo diyaariyey, iyada oo la raacayo codsiga ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha, bishii August 14-keedii.

276260cookie-checkGolaha Amaanka oo Qaraar cusub ka soo Saaray Ganacsiga Dhuxusha Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com