Bam-Gacmeed Lagu Weeraray Dhisme Isgaarsiineed Oo ay Leedahay Shirkadda Hormuud..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa koox xalay fiidkii hore bam gacmeed ku tuurey BTS ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ku leedahay Degaanka Muusaaaley ee Ceeelasha biyaha, iyadoo Inta la ogyahay aysan jirin khasaare nafeed ah oo ka dhashay Weerarkaan..

Wararka ayaa sheegaya in falkaan weerar uu dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax noociisa lagu sheegay miino jidka lagu aasay oo habeen hore ka dhacay  ka soo horjeedka Farac ay Shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka.

Wararka ayaa sheegay ineysan jirin wax khasaaro nafeed ah uu sababay qaraxaasi, marka laga reebo burbur xoogan uu gaaray dhismaha  xarunta, Dadka degaanka ayaa si wayn ugu tiirsan adeegga xaruntani bixiso, Lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan iyo dad loo soo xirey falalkaasi.

286650cookie-checkBam-Gacmeed Lagu Weeraray Dhisme Isgaarsiineed Oo ay Leedahay Shirkadda Hormuud..