Qadar Oo Ku Dhawaaqday Iney Wada Hadalo La Furtay Shababka

Somalia news

Danjiraha Dowladda Qatar ee Qaramada Midowbay (QM) ayaa sheegtay in waanwaan meel wanaagsan maraysa ay u socoto Wakiilo ka socda Dowladda Qatar iyo Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka, iyadoo Maamulka Villa Somalia Ee Madiidinka u ah Dooxa uusan wax war rasmi ah ka soo saarin…

Safiir Sheikha Alya bint Ahmed Al-Thani oo ka hadaleysay munaasabadda “Toddobaadkii 2-aad ee la Dagaallanka Argagixisada ee QM” ayaa sheegtay in dowladdeeda ka go’an tahay inay si buuxda gacan uga geysato ka hortagga argagixisada Somalia.

Doorashadii Farmaajo ee Sanadkii 2017-kii wixii ka dambeeyay Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Dalka Waxaa laga hagaayay Magaalada Dooxa, iyadoo Hogaanka Hey’adda NISA madax looga dhigay Shaqsi shaqaale ka ah Sirdoonka Qatar, taasina waxey u sahashay Maamulka Al-Thani inuu ku milmo Arrimaha gudaha Ee Somalia.

Maamulka Dooxa ayaa lagu Eedeeyay iney bol kasta 20-millions US$ si qarsoodi u siin jirtay Farmaajo & Fahad. Dhaqaalahaan ayaa la sheegay inuu Labadaan Shaqsi ku dhiiri geliyay iney isku dayaan iney Xooga ku heystaan talada Dalka.

Su’aashu u baahan Jawaabta ayaa ah, maxay Dooxa ku soo kordhin kartaa wada hadalada ay sheegtay iney la furtay Koox baneysatay Dhiiga Shacbiga isla markaasna argagax iyo cabsi gelin ku heysa argaggixisada, Maxaase looga naadiyay qorshahaan fagaare caalami ah.

127200cookie-checkQadar Oo Ku Dhawaaqday Iney Wada Hadalo La Furtay Shababka