Ganacsato Lagu Xiray Gobolka Gedo

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degaanada soo yimaada Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Howlgalo ay fuliyeen Ciidamada ammaanka ayaa lagu soo qabtay tiro Ganacsato ah oo qaarkood lagu Eedeeyay iney la soo kulmay kooxda Shababka halka qaar kale lagu Eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Maamulka Jubbaland….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ganacsatadaan lagu qabtay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kadib markii ay Al-Shabaab kala soo hadleen sidii cunaqabeynta looga qaadi lahaa degmadaasi, halka Warar kale ay sheegayaan in loo xiriiray kadib markii ay la kulmeen Saraakiisha Jubbaland Ee ku sugan duleedka Degmada B/Xaawo.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in maalintii shalay  la xiray dhamaan goobaha ganacsiga degmada Beled-xaawo, iyadoona talaabadaasi looga soo horjeedo xariga Ganacsatada, Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Beled xaawo oo la xiriira xariga Ganacsatada.

 Dhawaan ayay aheyd markii Odayaal la kulmay Horjoogayaasha Kooxda Shababka lagu xiray degmada Beled xaawo, markii lagu eedeeyay inay ka qeyb galeen munaasabad lagu caleema saarayay Nabadoon ay garwadeen ka aheyd Shababka.

68060cookie-checkGanacsato Lagu Xiray Gobolka Gedo