Maamulka Doorashada Hir-Shabelle Oo Loo Xil Saaray NISA

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga soo sheegaya in Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Adeege Fahad Yaasiin uu si toos ula wareegay Maamulka (File-ka) doorashada Maamulka Hirshabelle, Waxaana laga Keenay qeylo Dhaan la xiriira in Sida ay suurto gal ku noqon karto in Shaqsigaan loo xil saaro inuu soo Howlaha Doorashada Hir-Shabelle, isagoo horey loogu Eedeeyay Inuu Iibsaday Kursiga Xildhibaanimada Beesha Shiidle…..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in mid ka mid ah Xogheynadiisa uu maalmo ka hor gaaray magaalada Jowhar, kaasoo sida Liiska xubnaha loo wado inay noqdaan Xildhibaannada Hirshabelle.

Duubabka dhaqanka Hirshabelle oo iyana maalmo ka hor gaaray Jowhar ayaa la sheegayaa in aanay wax door oo buuxa ku lahaan doonin soo xulista Xildhibaanada, maadaama Foomka loo dhiibay inay ku soo qoraan Xildhibaannada ay yihiin Liis ka yimid dhinaca Madaxtooyada iyo Taliska Nabadsugida.

68120cookie-checkMaamulka Doorashada Hir-Shabelle Oo Loo Xil Saaray NISA