Gubashada Suuqyada Dalka & Dareen La’aanta Dadka Iyo Dowladda

Somalia news

30-kii sano ee la dhaafay, Suuqyada Dalka Guud ahaan waxaa caado noqotay in mar kasta oo xiisad siyaasadeed soo cusboonaato uu dab ka kaco mid ka mid ah suuqyada, taasoo loo fasirtay iney ka dambeeyaan Qorshayaal guracan oo salka ku haysa damqasho la’aanta…

Mid ka mid ah dhaqamada laga bartay gubashada Suuqyada dalka, ayaa ah ineysan jirin strateejiyad qorshe degsan oo looga hortagi karo aafadaan Dhaqaalaha Ganacsatada iyo Gadisleyda la degtay, waxaana eedaha iska leh Maamulada Gobolada iyo Dowladda Dhexe, kuwaasoo aan la imaanin xal lagu Badbaadin karo gubashada joogtada noqotay, iyadoo mar kale, todbaadkaan uu gubtay mid ka mid Suuqyada caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada ku xoolo beeshay suuqa Saybiyaano, suuqa weyn ee Beerta, ayaa sheegay iney rumeysan yihiin in si kas ah ay suuqa u gubeen shaqsiyaad dano gaar ah ka leh dhaqaale tirka Dadka, iyadoo aysan jirin qorshe cad Oo Maamulka Gobolka kan Dowladda Federaalka Oo Looga hortagaayo aafadaan joogtada noqotay.

Musiibada Dabka qabsaday Suuqyada Ganacsiga ayaa ahayn mid laga sheekeyn karo balse dadkii ka qayb qaata damintiisa ayaa warbaahinta u sheega in aan la aqoon sababaha keenay dabkaasi baaxada lahaa, waxaan jirin wacyi gelin iyo baraarujin ku aadan sida ilaalin karo bad qabka Suuqyada.

160240cookie-checkGubashada Suuqyada Dalka & Dareen La’aanta Dadka Iyo Dowladda