Saluug Laga Muujiyay Natiijada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Somalia news

Kadib 3-maalmood oo dood aan nuxur laheyn ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Magaalada Mogadishu oo saluug ba’an laga Muujiyay, ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murriyeed, kaasoo aad ugu hooseeya rajadii Laga qabay in saxo walaacyada Laga qabay hanaanka Doorashada…

Ku guuldareysashada in go’aan dhaxal gal ah laga soo saaro tiro badan Kuraasta lagu muransan yahay ayaa noqtay mid nuxur tirta Shirkaan, waxeyna u badan tahay iney ka soo baxaan natiijo aan la aqbali karin, Sida in shaaca laga qaado Liiska 135- xubnood Ee Magacyada Odayaasha Dhaqanka la aqoonsan yahay, Xubnaha Bulshada Rayidka ah.

Go’aanka Maanta looga fadhiyo Golaha Wadatashiga Qaran ayaa noqon doona mid dib u dhac ku keena geedi socodka Doorashada iyo hufnaanteeda, iyadoo Maamulada Gobolada aysan la soo Shir tegin iney debecsanaan ka muujiyaan Qaabka ay u dhigayaan Doorashada dadban, wuxuuna noqon doonaan guuldarro in laga hadlo ama la saxo Arrimaha Siyaasada Somalia.

160210cookie-checkSaluug Laga Muujiyay Natiijada Shirka Golaha Wadatashiga Qaran