Ma Dhabaa in Dugsi Waxbarasho ku yaalla Garowe ay Ardeydiisa ku Dhiiri geliyaan inay Is- guursadaan..

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaameysa in Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland uu ka dhisan yahay Dugsi Waxbarasho oo ay dhigtaan Dadka Aragga naafada ka ah kaasoo lagu magacaabo Al-Basar, Dugsigaan ayaa ah kuwa ku yar Magaalooyinka Dalka…

Dugsigaan ayaa waxaa dhigta ku dhawaad 60-Arday, balse Wabbarashada kaliyah kama caawiyaan ee waxey ku dhiiri geliyaan Ardeyda sidii ay lamaane u noqon lahaayeen maadaama Ardeyda qaarkood ay yihiin Qaangaaro, Najiib Axmed iyo Saciido waxay kamid ahaayeen ardeydii wax kabaratay iskuulkaan, halkaas ayayna ku kulmeen labadoodu ka hor intii aysan ka qalin jabin Dugsiga.

Mar dambe ayay dib u wada hadleen iyaga oo sheegay inay ka wada hadleen sidii ay nolosha ugu midoobi lahaayeen, inkastoo caqabado kala kulmeen Waalidka Gabadha, haddan waa ku guuleysteen iney is guursadaan oo Sanadkii 2022-kii uu Qoyska ku soo biiro Wiilkii ugu horeeyay oo Arag qaba.

281670cookie-checkMa Dhabaa in Dugsi Waxbarasho ku yaalla Garowe ay Ardeydiisa ku Dhiiri geliyaan inay Is- guursadaan..