Digniino Loo Diray Diyaaradaha Rayidka Ee Dul Mara Ethiopia

Africa News

Wargelin ay soo saartay Hey’adda Duulista Mareykanka (FAA) ayeey ku amartay Dhamaan diyaaradaha Rayidka Ee dul mara Gobolka Tigray Ee Federaalka Ethiopia iney joog sare ku duulaan ama ka fogaadaan isticmaalka Hawada Gobolka Xasaanada ha ka taagan yihiin Ee Dalkaasi….

Digniintaan ayaa la gaarsiiyay Dhamaan Shirkadaha Diyaaradaha Mareykanka iyo kuwo kale, waxaana looga digay iney ku duulaan marka ay dul marayaan Gobolka Tigray joog 30,000 Cagood (foot), ogeysiisksan ayaa muujinaaya heerka halista colaadaha Ee Garabyada Ururka TPLF.

Balse TDL oo ah koox hubeysan oo daacad u ah Ururka TPLF, ayaa sheegay iney sii wadayaan xoreynta degaanada Gobolka Tigray, kuwaasoo ay kala wareegeen 8-bilood ka hor Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea, iyadoo sidoo kale la sheegay in Ciidamo Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin Gobolkaasi.

Hogaanka Ururka TPLF ayaa ku eedeeyay Ciidamada Ethiopia kuwa Eritrea iney burburiyeen ilaa 3-buundo oo muhiim ah, waxeyna dhaawacyo u geysteen 2-kale, talaabadaan ayaa la sheegay iney Caqabado ku noqon karto gaarsiinta Gargaarka iyo gurmadka.

127290cookie-checkDigniino Loo Diray Diyaaradaha Rayidka Ee Dul Mara Ethiopia