Xaalad Cakirnaan ah Oo ka Taagan Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaso

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in muddo maalmo ah uu khikaaf xoogan ka dhex taagan tahay Madaxweynaha Puntland iyo Jufada Bah-gareen ee Beesha Cusmaan Maxamuud, xiisadan ayaa la sheegay iney salka ku heyso Dhul ku yaal agagaarka Dekada Boosaaso…

Wararka ayaa sheegay in Odayaasha Beesha ay diideen in Guryaha ay degan yihiin laga dumiyo si loo balaariyo Dekada, waxaana la sheegay in Mr.Deni uu Xoogaga Amaanka ku amray in la dumiyo Dhismayaasha, hirgelinta duminta ay wadada u xaari laheyd Shirkada DP World iney dib u bilowdow balaarinta Dekada.

Amarka Deni aya horseeday iney isku dhacaan Dadkii degenaa Xaafada ku dhow Marsada, waxaana ku dhaawacmay Taliyihii Qeybta Boliiska kadib markii Oday dhaqmeed uu bakoorad ku dhuftay, iyadoo ilaaladiisa ay xabad ku dhaawaceen, Talabadaan ayaa horseeday in Tiro badan ooDabley ku heyb ah Odayga la dhaawacay u soo gurmadeen ayna soo buux dhaafiyaan Xaafada lagu muransan yahay.

Isku dayo lagu doonaayay in lagu xaliyo xiisadan ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii Odayaasha Bah-gareen ay sheegeen ineysan kala xaajooyneynin Saciid Dani Xiisadaan, waana dagaalkii 2-aad ee ka dhaca Booaaso intii uu Xilka hayay Maamulka Puntland, iyadoo ay hadda muddo xileedkiisa ay ka dhiman tahay wax ka yar 10-bilood.

244170cookie-checkXaalad Cakirnaan ah Oo ka Taagan Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaso