Diyaarad ka Timid Garoowe oo Wadada Garoonka Aadan Cadde ka Baxday…

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil Diyaaradeed uu goordhow ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa uu saarnaa Rakaab kuwaasoo la sheegay in hal Qof uu dhaawac soo gaaray..

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Diyaarada ay saarnaayeen ilaa 34-Qof oo Rakaab ah, kuwaasoo ka soo duulay magaalada Garoowe ee Puntland, waxeyna la socdeen Diyaarada HALLA Airlines ee Duulimaadka (E120) ay iska leeyihiin tiro Ganacsade ka soo jeeda Mogadishu.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa u gurmaday diyaarada shilka gashay waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan dhaawacyo shilkan ka dhashay oo goordhaw loo qaaday isbitaalo kuyaalla magaalada Muqdisho.

265360cookie-checkDiyaarad ka Timid Garoowe oo Wadada Garoonka Aadan Cadde ka Baxday…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com