Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Oo Ka Cabanaaya Baahi Dhaqaale

Somalia news

Guddiga Doorashooyinka oo laf dhabar u ah hab sami u socodka doorashada dadban ayaa la sheegay iney soo food saartay baahi dhaqaale, kadib markii Hoteelkii ay deganaayeen lagu wargeliyay in muddo 10-maalmood uga baxaan iskana bixiyaan deynta lagu leeyahay…

Afhayeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Aadan Dagaal Axmed Safiina oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Caqabadaha Heysta Guddiga oo ugu horreeysa Dhaqaali darro soo wajahday Guddiga, Miisaaniyadda Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal uu dajiyay ayuu ku sheegay Axmed Safiina in ay dhantahay $26 Milyan oo doolar taasoo ka kala imaaneysa Beesha Caalamka, Xukuumadda iyo Diiwaan galinta Musharaxiinta.

Afhayeenka ayaa sheegay iney lacagtaas dhammaatay Bishii Octobar ayna weli wax mushaar ah aysan qaadan kirada Hoteelkana lagu leeyahay, “Qeybta hordhac aheed ee Miisaaniyadda ay bixisay UNSOM waxaa lagu isticmaalay afartii bile ee ugu horreeysay taas oo ku ekeed bishii Ocktoobar” ayuu yiri. 

166620cookie-checkGuddiga Hirgalinta Doorashooyinka Oo Ka Cabanaaya Baahi Dhaqaale