Tuhun ku Geedaaman Mashruuca Dhaqaalaha Loo Uruurinaayo Farmaajo Ee ”Guri Qaran”..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa mashruuc dhaqaale badan la doonaayo in keydka dhaqaale ee Taageerayaasha madaxweynihii hore (Farmaajo) maalmahaan laga waday Dalka gudahiisa iyo dibadaba, kaasoo loogu magac dareen “Guriga Madaxweynaha Shacabka” oo la sheegay in guri loogu dhisayo..

Ololahaan oo loogu magac daray Forex-2, (dhaca Dhaqalaha) ayaa waxaa durba hareeyey muran ku saabsan sababta Farmaajo oo la rumeysan yahay inuu yahay milyaneer guri loogu dhisayo, xilli ay gaajo iyo harraad u naf baxayaan kumanaan qof oo Soomaali ah oo ay abaar ku hayso gobollo badan oo dalka ka mid ah.

Ha yeeshee, khatarta ugu weyn ee mashruucan ku gedaaman ayaa ah cabsi la xiriirta in la doonayo in loo adeegsado la dhaqo la lacag (Money Laundering), si Malaayiin USA$ oo cash ah loo marsiiyo nidaamka Bangiyada, oo haddii si toos ah hadda loo geeyo ay su’aalo badan ka dhalanayaan.

Farmaajo xiligaan kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 35-kun oo dollar, oo sanadkii keeneysa 420,000 oo US$. Talaabadaan ayaa waxa ay dhalineysaa tuhun ku aadan in su’aal laga keeno dhaqaalaha Farmaajo u bixiyay inuu Xildhibaano ku iibsado, gurina ku kireysto, balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto.

Sheekadaan ayaa soo bilaabatay Sanadkii 2014-kii, iyadoo uu Farmaajo Account-yo badan ka furtay Waqooyiga America, Dalalka EU-da, UK iyo Dalalka Khaliijka, waxaana la xaqiijiyay in Mashruucaan la doonaayo in sidoo kale dhaqaale looga furto Taageeraaysha jidbeysan, Khabiir dhanka dhaqaalaha oo magaciisa in la xuso ayaa sheegay:-

“Yaa Qaran iyo Waddani ku qaraabtey oo Shacab masaakiin qalday, Hirjoogayaashaan kooxdaan waa ku qalin shubato caadi ah, bal fiiri inta Mashruuc Oo uu dhaqaale ku uruursaday.

-Qaaraan Qaran 2014
-Fursad fund Qaran 2016
-Taageero ciidan Qaran 2018
-Guri Qaran 2022🙈

192660cookie-checkTuhun ku Geedaaman Mashruuca Dhaqaalaha Loo Uruurinaayo Farmaajo Ee ”Guri Qaran”..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com