Fal Dil ah Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Austria

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa fal naxdin leh oo dil ah uu geystay Eedeysane Somalia ka soo jeeda, dilkaan ayaa ka dhacay Xaafada Favoriten ee magaalada Vienna ee caasimada dalka Austria, sida ay xaqiijiyeen Xoogaga Amaanka Dalkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Ibraahim oo 28 jir ah uu Dilay Labada Gabdhood oo lagu kala magacaabi jiray Shukri Axmed Abtidoon iyo Faadumo Maxamed Xersi kuwaasoo da’doodu lagu qiyaasay 35-sano iyo 37-sano, eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Dilka u adeegaaday Mindi.

Wararka qaar oo ay werinayaan warbaahinta gudaha ee Vienna ayaa sheegaya in labada gabdhood ay mid aheyd xaaska hore ee Maxamed, midda kalena ay ahyed saaxiibteed. Maxamed ayaa la sheegay in xaaskiisa hore ay u dhashay gabar afar jir ah.

Maxamed ayaa markii booliska ay baareen waxa uu ahaa mid aad u cabsan, waxaana dhiigiisa laga helay alchohol heerkeeda lagu sheegay 2.2. Kiiskan ayaa waxaa hadda baaraya booliska, waxaana warbixino horudhac ah ay sheegayaan in maskaxda looga jiray.

140640cookie-checkFal Dil ah Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Austria