Maxaa Keenay in Madaxweynaha Hakiyo Dagaalka Shababka kana soo Guuro Magaalada Dhuusa Mareeb..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha, Ilaaladiisii iyo Shaqaalihiisa Madaxtooyada uu ka rartay magaalada Dhuusa mareeb, kadib muddo bilooyin ah oo uu geed-fadhi ka dhigtay degaanada Galmudug, Qorshaha cusub ee Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu isu diyaarinayo safarro uu ku tegayo qaar ka mid ah Dalalka Europe & Turkiga…

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Dalalkaasi ka codsan doono Dhaqaalaha ku baxaaya Ciidamada ATMIS ee muddo 3-bilood ah ee Maamulkiisa codsaday in dib loo dhigo iyo Ciidamada Dowladda ayaa u diyaar garobaan inay dhamaadka sanadka 2024 amniga kala wareegaan ciidamada Midowga ATMIS ee la filayo inay dalka ka baxaan, waxaana socda qorshe ay wadaan 5-Dal oo lagu doonayo in ciidamada Dowladda Federaalka loogu helo dhaqaale iyo Hub.

Hasan Sheekh ayaa kulan la qaatay Siihayaha Safaarada USA ee Somalia A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Madaxa Howlgalka Africom ee Dalka, Hasan ayaa tilmaamay in Shacabka iyo dowladda Federaalka ay mudan yihiin taageero ciidan oo ka mug weyn midd ilaa hadda la siiyay, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo calami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah.

Wejigii 1-aad ee dagaalka kooxda Argagixisada Shababka ayaa weli qabyo, iyadoo Maleeshiyaadka Beesha uu ka soo jeedo ka gaabiyeen iney ka qeyb qaataan Dagaalka, Madaxweynaha waxaan aan ilaa hadda u suurta gelin inuu Kooxda Shabaabka ka saaro maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, sababo la xiriira Istrateejiyad xumo iyo qorshe cad oo aan jirin taasoo dib u dhigtay wejiga labaad ee dagaalka.

283580cookie-checkMaxaa Keenay in Madaxweynaha Hakiyo Dagaalka Shababka kana soo Guuro Magaalada Dhuusa Mareeb..