Ma Dhabaa In Shacbiga Xooga Looga Barakiciyay Guryahooda ee Laas caanood loogu diray Cunaqabateyn Gargaarka ah ay Villa Somalia ku soo Rogtay..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Villa Somalia oo soo saaray Qoraal uu gargaar loogu fidinaayo Dadka ay abaarta saameysay, kuwaasoo ku kala sugan Gobolada Bay, Bakool, Benaadir iyo Labada Shabeele, Talaabadaan ay Dad badani u arkeen mid lagu ciqaabaayo Shacbiga Gobolka Sool oo xabad uu ugu qixiyay Maamulka Hargeysa…

Go’aanka uu Xasan Sheekh ku diiday in Gedo iyo Laascaanood laga qaybiyo qaybinta mucaawinooyinka, maaha wax lala yaabo, balse waxa ay daaha ka qaadayaan heerka ay gaarsiisan tahay qabyaaladda, iyadoo horey uu uga aamusnaa ololaha xasuuqa ee uu wado Maamulka Muuse Biixi.

La yaab maaha in dad badani u arkaan Madaxweyne maaaar saar ah marka loo eego waxqabadkiisa iyo Maamul xumidiisa, Waana ayaan darro inuu qabyaaladda ka hormariyo baahida dadkiisa, Go’aankani wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa bulshooyinka ay saameysay Mustaqbalka.

252020cookie-checkMa Dhabaa In Shacbiga Xooga Looga Barakiciyay Guryahooda ee Laas caanood loogu diray Cunaqabateyn Gargaarka ah ay Villa Somalia ku soo Rogtay..