Guddoomiyaha Aqalka sare Oo Ka Digay Inaan Dalka loo horseedin Qalalaase Siyaasadeed

Somalia news

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka 10-aad ee Somalia Mr.Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qoraal uu soo saaray ku baaqay inaan Dalkaan la gelin qalalaase siyaasadeed iyo amni darro loona horseedin dagaal dhiig ku daata…

Senatar Cabdi Xaashi oo sidoo kale ka jawaab celinaayay hadalkii guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ku tilmaamay mid baal marsan sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo, islamarkaana uu ahaa mid lagu qalqal galinaayo xasilooni daro siyaasadeed oo halis ku noqon karta dalka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay guddoomiye Xaashi in hogaanka doorashada ay leeyihiin Golaha wadatashiga Qaranka oo uu hoggaamiyo raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

158420cookie-checkGuddoomiyaha Aqalka sare Oo Ka Digay Inaan Dalka loo horseedin Qalalaase Siyaasadeed