Midowga Musharixiinta Oo Shir Uga Furmay Mogadishu

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa Sheegaya in Hogaamiyayaasha Midowga Musharaxiinta ayaa goordhow shir uga bilowday Hotelka Jazeera, Shirkan ayay waxay kaga hadlayaan doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday Dowlad Goboleedyada iyo doorashada soo socoto ee Aqalka Hoose…

Qaar ka mid ah Musharaxiinta ayaa walaac ka muujiyay hannaanka doorashada Aqalka Sare, inkastoo inta badan Musharaxiinta soo dhoweeyeen Senatarada la doortay, haddana waxay ku baraarugeen in qaabka doorashada u socoto aanay aheyn mid hufan, waxaana hadda soo baxaya walwal ay ka qabaan doorashada Aqalka Hoose inay noqoto si la mid ah tan Aqalka Sare oo aanay Tartan ka muuqan.

135050cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Shir Uga Furmay Mogadishu