Gudoomiyaha Aqalka Sare & Jubbaland Oo Taageeray Soo Jeedinta Puntland

Somalia news

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyay talo soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15 February uu ka dhaco Muqdisho, ayna ka soo qeyb galaan saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka, goobjoogna ka noqdaan Beesha Caalamka….

Cabdi Xaashi aya sheegay inuu taageerayo go’aanka oo lagu badbaadinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kale in ka wada ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka lagana fogaado wax walba oo qalalaaso ku keeni kara nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo dhoweysay shirka lagu baaqay ee 15 February, iyadoo soo jeedisay inuu ku qabsoomo Muqdisho iyo in dhammaan saamileyda siyaasadda ka soo qeyb galaan.

93870cookie-checkGudoomiyaha Aqalka Sare & Jubbaland Oo Taageeray Soo Jeedinta Puntland