Duqa Mogadishu Oo Lagu Eedeeyay inuu Qorshe Dhaqaale ku Weydistay Shirkado..

Somalia news

Warbixin xasaasi ah ayaa daaha ka rogeysa in Guddoomiyaha Gobolka Benadir Yuusuf (Madaale), lagu eedeeyay inuu wado qorshe uu dhaqaale baad ah uga rabo iney bixiyaan Shirkado horey Qandaraasyo uga heystay Maamulka Gobolka…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Madaale uu xiriir la sameeyay tiro Shirkado ah oo horey Qandaraasyo Sanado ah ugu saxiixay Maamulkii ka horeeyay, wuxuuna culeys ku saaray Madaxda Shirkadahaan iney mar kale dib isku soo diiwaan-geliyaan, kadib markii uu kulan la qaatay Duqa Mogadishu.

Xogtaan ayaa sheegtay in Mas’uuliyiinta Shirkadaha qaar ayaa kulan ay la yeesheen Mr.Madaale ku kala tagay, waxeyna iska diideen in dhaqaale badan oo baad ah bixiyaan, iyagoo ka digay in horseed u noqoneyn bixinta laaluush xilli Maamulka Villa Somalia uu sheegay inuu dagaal kula jiro musuq masuqa.

258650cookie-checkDuqa Mogadishu Oo Lagu Eedeeyay inuu Qorshe Dhaqaale ku Weydistay Shirkado..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com